Hey’adda Nisa oo gacanta ku dhigtay Seddex gaari ku sii jeeday deegaannada Al shabaan isla markaana u la socday ruux ajnabi ah

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Q (NISA) ee Somaliya, ayaa waxay ka warbixisay hawl-gal ka dhacay Degmada Afgooye, oo lagu guuleystay, isla-markaana ay Ciidamada Nabad Suggida ku joojiyeen saddex gaari oo siday agabka Electarooniga ah.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay 8-ruux oo uu ku jiro nin u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Baabuurta la qabtay ayaa waxaa saarnaa qalab aad u badan oo Elektroonik ah, kuwaas oo aan la shaacin nooca ay yihiin. Howlgalka oo muujinaya feejignaan dheeri ah oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaa fashiliyay dhaq dhaqaaqyo suurtagal ah oo lagu doonayay in lagu taageero ama lagu caawiyo kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii xoogaysanayso dadaallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay u carqaladeeyaan taageerada saadka iyo isku xirka shabakadaha isgaarsiinta ee Al-Shabaab, taas oo qayb ka qaadanaysa tallaabooyinka ballaaran ee looga hortagayo awoodda Al shabaan.

Ciidamada ayaa la filayaa in ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan si loo ogaado sababta iyo xiriirka  kala dhexeeyo Al shabaan dadka laga soo qabtay degmada Afgooye.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed