Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo gargaar gaarsiisat gobolka Shabeelada Dhexe

Iyada oo laga jawaabayo dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadda El Nino ee ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa Hay’adda  (SODMA)  bilowday gurmad  deg deg ah oo la gaarsiinayo deegaannada nugul, hay’addu waxay ku guulaysatay inay sahay gargaar oo muhiim ah u qaybiso 2,150 qoys oo ay si toos ah u saameeyeen daadadka iyo faathaadihii..

Gargaarkan oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo dhibaatooyinka soo gaaray bulshada dhibaateysan ayaa waxaa kormeeray mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda SDMA, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur. Wadashaqeynta ka dhaxeysa hay’adda maareynta masiibooyinka iyo maamulka deegaanka ayaa ahaa dadaalka isku dhafka ah ee wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee dadka ay saameeyeen.

Gargaarka la qeybiyay ayaa isugu jiray Raashin, Biyo nadiif ah, Bustayaal, iyo agabyo kale oo muhiim ah oo loogu talagalay in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. Saraakiisha SoDMA ayaa sharraxay sida ay uga go’an tahay  taageero joogto ah, iyaga oo xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay dadaalka joogtada ah ee lagu caawinayo soo kabashada iyo dib u dhiska goobahii burburay ee dad weynaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed