Hey’adda lacagta adduuunka eeIMF oo ansixisay 100 milyan oo doolar oo deyn cusub ah taasoo la siinaayo Soomaaliya

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ogolaatay in ay bixiso 100 milyan oo dollar oo deymo cusub ah si ay Soomaaliya uga taageerto horumarka socda ee dhaqaalaha. Kaalmadan lacageed ayaa ku soo beegantay horumarro la taaban karo oo ay ka mid yihiin in si guul leh loo dhammaystiray dadaallada deyn cafinta iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha ee dalka.

IMF waxay ku nuuxnuuxsatay in taageerada joogtada ah iyo iskaashiga saaxiibada caalamku ay muhiim u tahay joogtaynta dadaallada kobaca dhaqaalaha iyo dib u habeynta Soomaaliya. Lacagaha laga helo deyntan cusub ayaa si gaar ah loogu qoondeeyay qabanqaabada deyn cafinta ka dib, iyada oo ujeedadu tahay xoojinta hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo kobcinta xasilloonida iyo koritaanka.

War saxaafadeed ay IMF soo saartay ayay ku sheegtay muhiimada ay leedahay taageerada maaliyadeed, iyadoo sheegtay, “Taageerada maaliyadeed iyo horumarka joogtada ah ee saaxiibada caalamku ay siinayaan Soomaaliya waa lagama maarmaan si loo taageero dadaallada dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Soomaaliya.”

Heshiis horudhac ah oo dhexmaray IMF iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay bishii November, iyadoo muhiimadda koowaad ay ahayd bixinta 100 milyan oo dollar oo dayn ah oo lagu xoojinayo miisaaniyadda dowladda. Go’aanka ay dhawaan guddiga fulinta ku ansixiyeen barnaamijkan cusub ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay shaaciyeen in qeyb badan oo ka mid ah deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga cafiyay.

IMF waxa ay sheegtay in ay hoosta ka xariiqeyso sida ay beesha caalamka uga go’an tahay in ay gacan ka geystaan ​​horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo kobcinaysa jihada wanaagsan ee xasilloonida iyo kobaca qaranka ee xilligii deyn cafinta ka dib.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed