Hey’adaha amniga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay koox loo heysto in dil qorsheysan ka fuliyeen Galmudug

Ciidamada dowladda ee gobolka Galguduud ayaa gacanta ku dhigay afar qof, kuwaas oo looga shakisan yahay dilal dhawaan loo geystay labo dhalinyaro, walaalo ah, sida lagu xaqiijiyay warbixinnada horay u soo baxay.

Eedeysanayaasha oo laga soo qabtay deegaanka Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen dilka Liibaan Xasan Cismaan oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan iyo Walaalkiis, Dr. Axmed Xasan Cismaan oo ahaa Dhaqtar. Geeridooda oo dhacday laba maalmood uun ka hor intii aan la soo qaban, ayaa keentay in la xoojiyo hawlgallada ammaanka lagu sugayo, waxaana mar kale soo if-baxday arrimaha dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka ee qaar kamid ah gobolada.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Eedeysanayaasha ayaa lagu helay qaab dhuumaaleysi ah, iyadoo ciidamada ammaanku ay heleen xogo lagu soo qabtay. Xogtan ayaa la wadaagay hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo fududeeyo xariga.

Afarta eedeysane ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo Galmudug. Bishii hore ayay ahayd markii sidan oo kale lagu dilay magaalada Dhuusomareeb labo nin oo ganacsato ah oo lagu kala magacaabi jiray Siyaad Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed