Heerarka Kala Duwan ee Taliyaasha Booliiska Dalka oo Shir Xasaasi ah Uga Furmay Kismaayo.

Muqdisho ( Hbnonlinetv)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya  Maxamed Cali Xagaa, Madaxweyna Ku Xigeenka Jubbalaan  Maxamuud Siyaad Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya,l General Sulub, ayaa maanta kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo, Waxana Kulankaasinku wehliyay Taliyaasha Booliiska ee dolwadda Goboleedyadda.

Shirkaas ayaa la qorsheeyay in uu socon doona muddo 3 maalmood ah, waxana diiradda lagu saari doonaa Wada shaqeeynta heerarka kala duwan ee booliska dowlad goboleedyada iyo kan federaalka, hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan ee dalka guud ahaan.

shirkaan inta uu socdo waxaa lagu lafua guri doonaa xaaladda Ammaanka dalka sidii loo hormarin lahaa. Waxana lagu wadaa in bayaan laga soo saaro markii uu soo dhammaado.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed