Hay’adda SODMA oo 3,800 oo Tan oo Gargaar ah ku Wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya  ee SODMA ayaa maanta oo Isniin ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo tan oo u dhiganta 150,000 oo qoys. Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan sida abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee xun.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa ka mahad celiyay deeqda maanta la soo gaarsiiyay. C/casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo deeqdaasi guddoomay ayaa ka warbixiyay qorshaha loogu qeybiyay qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Maxamuud Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiyaha SODMA ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u caawin lahaayeen qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay dhibaatooyinkii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay. SODMA, oo ah hay’adda u xilsaaran wax ka qabashada xaaladaha bini’aadanimo, waxay soo saartaa digniino ku saabsan khataraha iman kara, iyada oo hubinaysa in kuwa ugu nugul la wargeliyo loona diyaariyo khataraha iman kara.

HBN NEWS DSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed