Hay’adda Socdaalka Adduunka oo Soomaaliya ka taageereyso Fatahaadaha

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka taageerto wax ka qabashada fatahaadaha ka hor intaysan dalka ka dhicin “super El Nino”

Hay’adda IOM ee Soomaaliya waxa ay hadda kooxo geynaysa garoonka diyaaraha,waxana ay isku diyaarinaysaa in ay gargaar deg deg ah gaarsiiso dalka oo dhan,waxana todobaadyada soo socda ay bilaabi doontaa u diyaar garowga fatahaadaha iyo wax ka qabashada fatahaadaha”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Hay. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho caasimadda Soomaaliya

Hadalkaan ayaa la sii daayay kadib markii Agaasimaha Guud ee Hay’adda IOM Amy Pope oo  booqasho ay ku timid Soomaaliya Talaadadii kadib markii ay la wareegtay hogaanka Hay’adda 1-dii October.

Pope-ka ayaa sheegtay in booqashadiisa ay ku saabsan tahay sidii IOM ay u sii wadi lahayd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee cimilada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed