Hay’adda Qaramada Midoobay oo ka hadashay roobabkii iyo fatahaadii ka dhacay Soomaaliya

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 278,000 waxaa saameeyay roobab mahiigaan ah iyo fatahaada wabiyada tan iyo bilowgii xilliga dayrta ee bilaha Oktoobar iyo December ee Soomaaliya saddex toddobaad ka hor, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee (OCHA).

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda oo la soo saaray fiidnimadii Axadda ku sheegtay in 43,840 qof ay ku barakaceen fatahaadda, kuwaas oo intooda badan ku noolaa deegaannada Hirshabeelle.

Hay’adda OCHA ayaa sheegtay in dadka ugu badan ee dhibaatadu soo gaartay oo u badan deegaanada loo barakacay ay sheegtay in ay ku soo laabteen noloshoodii caadiga ahayd kadib markii ay degeen daadad. Si kastaba ha ahaatee, waxay u nugul yihiin fatahaadaha haddii roobabku sii socdaan sidii la saadaaliyay maadaama inta badan goobaha barakaca ay ku yaalaan deegaanada hoose.

Sida ay sheegtay OCHA, ugu yaraan 3 qof ayaa wali lagu la’yahay Baydhabo iyo Galmudug, 150 kalena waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen degmada Luuq ee maamulka Jubaland, kadib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay 22-kii October.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada, iyagoo kaashanaya maamulka, ay bilaabeen jawaab celin lagu beegsanayo dadka aadka u nugul, iyadoo mudnaanta la siinayo kuwa barakacay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed