Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadda webiyada Jubba iyo Shabeelle ay sababeen dhimashada 120 qof.
Cabdulle ayaa xusay in gobollada Bay, Gedo iyo Jubbada Hoose ay yihiin kuwa ugu daran.
Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha u iftiimiyay in ay adag tahay in meelaha qaar gargaar la gaarsiiyo, maadaama fatahaaduhu ay sababeen in garoomo badan ay xirmaan, halka waddooyinkuna ay burbureen.
Caqabadahan la xiriira fatahaadaha ayaa weli ka jira magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, Buulaburte, iyo Jalalaqsi kuwaas oo muddooyinkii dambe uu ku fatahahay wabiga Shabeelle.
Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka digtay saameynta sii xumaaneysa ee fatahaadaha ba’an ay ku yeelanayaan haqab-beelka cuntada ee Bariga Afrika. Dalalka ay sida weyn u saameysay dhibaatadan ayaa kala ah Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kenya, iyadoo Suudaan, Koonfurta Suudaan, Burundi, iyo Uganda ay sidoo kale wajahayaan caqabado waaweyn, haddana si aan qiyaas lahayn ayay u saamaysay xiisadda cimilada adduunka.
HBN NEWS DESK