Hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya oo soo saartay digniino culus oo ku aaddan fatahaadaha

Hay’adda ka hortagga’a masiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ayaa digniin cusub ka soo saartay khatarta fatahaadaha iyo fatahaadda webiyada, iyadoo ku baaqday in si taxadar leh loo ilaaliyo gobollada Galbeedka, Jubbaland iyo Somaliland. Taladu waxay daba socotaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo buuraleyda sare ee Itoobiya, kuwaas oo sababay inay kor u kacaan webiyada Jubba iyo Shabeelle, taasoo kordhinaysa suurtagalnimada fatahaad iyo khatar naf iyo maalba leh.

Warbixintii ugu dambeysay ee SODMA ayaa xaqiijisay saadaasha ay khubaradu sameeyeen horraantii Oktoobar, taas oo durba saameysay aag muhiim ah. Hay’addu waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in dadka deegaanka ay sameeyaan taxadar degdeg ah oo ay u hoggaansamaan digniinta si loo yareeyo khatarta xaaladaha cimilada ee soo socda.

Sida ay sheegtay SODMA, saadaasha ayaa tilmaamaysa in roobabku uu sii socon doono ilaa dhammaadka bisha 11aad,  Digniinta soo baxday waxay hoosta ka xariiqaysaa in si degdega ah ee bulshooyinka inay ka digtoonaadaan oo ay u diyaar garoobaan shilalka fatahaadaha ee suurtagalka ah ee soo aaddan.

Digniintan kasoo cusboonaatay SODMA ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay jirto dhibaato ay weli malaayiin Soomaali ah la tacaalayaan dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadihii ugu dambeeyay. Saamaynta ba’an ee webiyada Jubba iyo Shabeelle waxay dad badan ku reebtay xaalado nololeed oo aan wanaagsanayn, taasoo uga sii dartay xaalad markii horeba caqabado dhanka nolosha ah oo ay ku jireen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed