Hawlgalka Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Beledweyne

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Beledweyne, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 30 qof, laguna dhaawacay in ka badan 40.

“ATMIS waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka foosha xun ee lagu qaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Tani waxaa loogu talagalay in lagu weeciyo khasaaraha baaxadda leh ee Al-Shabaab ka soo gaartay weerarrada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

“Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii ay jeclaayeen, waxaanan caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwa dhaawacmay” ayaa sidoo kale lagu yiir bayaanka.

Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ku taalla dhismihii hore ee warshaddii cabitaanka ee Horseed . Gaariga xamuulka ah ayaa si xoog ah uga soo gudbay koontaroolka ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen. Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, markii uu qaraxu dhacayay waxaa eryanayay gaari kale kuwa  oo ay wateen ciidamada ammaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed