Hawlgal ka dhan ah Al Shabaab oo laga fuliyay Jubadda Hoose

Hawlgal ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ee dawlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, sidaasi waxaa sheegay saraakiil laamaha ammaanka ka tirsan.

Hawlgalkan oo ay taageereyeen ciidamada ATMIS ayaa laga fuliyay deegaano hoos yimaada degmada Afmadow, waxaana looga gol lahaa in lagu beegsado xubno ka mid ah Al Shabaab oo muddooyinkan deegaanadaasi isku urursanayay.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii kordhiyay weerarada ay gaysanayaan, waxaana ay ku soo aadaysaa iyadoo hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay dhimayaan ciidankooda ka jooga dalka, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Soomaalida ilaa iyo lix saldhig oo ay horey u joogeen askarta ATMIS.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed