Haween muuqaal ka duubay wiil dhallinyaro ah oo gacanta lagu soo dhigay isla markaana faah faahin laga bixiyay

Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad looga naxo oo ay ciidamada Booliska degmadaas ku xireen saddex haween ah oo ka soo duubay muuqaal jir dil ah oo loo geystay wiil dhalinyaro ah. Dhacdadan ayaa si weyn u soo jiidatay baraha bulshada, taasoo ka careysiisay shacabka.

Sida ay sheegayaan wararka, mid ka mid ah haweenka la xiray ayaa la ogaaday inay xiriir hore la laheyd ninka dhalinyarada ah. Waxaa la sheegay in ay soo abaabushay ku lug lahaanshaha labada haween ee kale, iyadoo wiilka ku ballamisay guri ku yaala degmada Waabari oo falkan foosha xun uu ka dhacay. Muqaalkan argagaxa leh ee muujinaya sida arxan darada ah ee loola dhaqmay wiilkan dhalinyarada ah, ayaa si weyn ugu faafay baraha Internet-ka, taasoo keentay in dad badan ay cambaareeyaan.

Ciidamada Booliska Somaliya, gaar ahaan Saldhiga Degmada Waabari, ayaa tallaabo degdeg ah ka qaaday, iyagoo gacanta ku soo dhigay haweenkii jirdilka gaystay. War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu xaqiijiyay xariga haweenkaan, waxaana ay shacabka u xaqiijiyeen in uu socdo baaritaan dhab ah. Shaqsiyaadka la xiray waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awooda u leh si ay u wajahaan ciqaabta sharciga ah ee falkooda.

Dhacdadani waxa ay iftiiminaysaa hab-socod murugo leh oo ay ku soo badanayaan dalka dhacdooyinka rabshadaha. Dhacdooyinka noocaan oo kale ah oo inta badan laga soo duubo muuqaalo ayaa ku soo badanaya magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed