Halkee ku dambeeyeen 33 kaluumaysato ah iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iran oo sanadkii hore maxkamad la soo taagay Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iran, kuwaasoo ku xirnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, sida uu sheegay safiirka Iran u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya, Ali Gholampour,  sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Ali Gholampour, Safiirka Iran u jooga Kenya ayaa sheegay in dadkan Iran ay ku qaadeen diyaarad, isagoo carabka ku adkeeyay in madaxda Soomaaliya ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay qaadaan talaabooyin dib loogu soo nooleynayo xiriirka kala dhaxeeya Iran, kadib dhowr sano oo uu go’naay.

Wuxuu sheegay in ajandayaasha labada dhinac ay ka mid yihiin diyaarinta heshiis iskaashi oo dhanka kalluumeysiga ah kaasoo ilaalin kara danaha labada dhinac, loogana hortagi karo in maraakiibta kalluumeysiga Iran ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

Iiraaniyiintan ayaa Soomaaliya ay xirtay xagaagii 2023-kii, kadib markii ay ka howlgalayeen Badweynta Hindiya, iyagoo aan wadan dukumeenti sharci ah, kadibna waxaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya boqol kun oo dollarka Mareykanka ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sanadkii hore dacwad ku soo oogay 36 Ajaanib ah oo ay ku jiraan 33 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo loo soo qabtay falal kaluumeysi sharci darro ah.

Dadkan ayay maxkamada G/Banaadir ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan $10,000 qofkiiba, Waxay ku guuldareysteen inay racfaan ka qaataan xukunkooda bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016, iyadoo sabab uga dhigtay faragelinta joogtada ah ee Iran ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaan faahfaahin ka bixin warkaan ku aaddan sii deynta dadkaan ilaa hadda iyo faragelinta la sheegay in lagu sameeyay

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed