Hadal Heyn Ka Dhalatay Khilaafka Puntland iyo Dowladda Dhexe

Khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo Villa Soomaaliya oo si weyn u soo shaac baxay, iyada arrintaan ay muddo soo jiitameysay balse hadda waxay u muuqata mid bannaanka timid, iyada oo dhowr jeer Puntland ay sheegtay balse Villa Soomaaliya ayaa hoos dhigtay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qudbad uu ka jeediyay  Masaajid ku yaal Madaxtooyada ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka siyaasadeed  Puntland asiga oo si gaar ah uga hadlay mowqifka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku saabsan  doorashada Puntland.

Xasan Sheekh  ayaa uga digay Madaxweyne Deni iyo Puntland in ay ka dhacdo  doorasho aan la isku hishiis lagu aheyn lana ilaaliya nabad iyo xasiloonida, asiga  hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta sababi karta Xasilooni darro siyaasadeed iyo Khilaafka ka dhasha  Maamulkiisa.

Arrintaan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan oo warbaahinta ah 24 saac ee la soo dhaafay, waxana aad looga hadal hayaa Muqdisho iyo Garowe, lamana oga saameynta ay yeelan karto marka la eego Villa Soomaaliya iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Xasan Sheekh uu sheegay in wax khilaaf ah kala dhexeyn Puntlanad Madal  Suaalo dadweyne lagu weydiinayay, balse hadlaka Madaxweynaha kadib Puntland ayaa ka hortimid hadalkaas iyaga oo daaha ka qaaday khilaafka labada dhinace Garowe iyo Muqdisho.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed