Guux Siyaasadeed oo Xooggan iyo Kulamo Ka Socda Garowe.

Guux xooggan oo xal loogu raadinaayo xaaladda siyaasadeed ee Cakiran Puntland ayaa ka soconaya magalada Garowe ee Maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mucaaradka sida weyn u diidan hannaanka doorashada ayaa kuwada sugan Garowe.

Dhowr jeer gacan ka hadal iyo isku dbac ciidan ayaa sababay dhimasho iyo dhawac badan, taas oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka oo sameyn ku yeelanay hannaankii hore ee doorashooyinka Puntland, waana mushkilada ugu weyn ee ka taagan Siyaasadda Puntland.

Magaalada Garoowe waxaa gaaray wufuud kala duwan oo iskugu jiro Siyaasiyiin iyo madax dhaqameed kuwaas oo u istaagay xal u helida  dagaalladii sababay dhimashada, dhaawaca, burburka  barakaca Dadka ku sugan Xarunta Gobolka Nugaal.

Shalay waxaa gaaray magaalada Garowe, siyaasiin culus oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid iyo shaqsiyaad kale kuwaas oo kulamo xooggan ka bilabaya Puntland, iyada oo lagu wado in ay socon doonaan maalmaha soo aadan.

Wufuudda ku sugan Magaalada Garoowe ayaa diirada saaraya in ay kulamo wadatashi ah oo ka ballaaran la yeeshaan  Bulshada Rayidka, Waxgaradka  u  xal u helida arrimahaan oo kale kuwaas oo si weyn looga yaqaan Puntland, iyo ergo ka kala socota dhinacyada siyaasadda isku haya.

Si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa Cakirnaa siyaasadda Puntland kadib markii xukuumadda hadda jirta ay u istaagay wax ka beddelka Dastuurka maamulkaasi, taasina waxaa ay sababtay i. ciidamo hubeysan ay isku dhacaan, waxana ka dashay khasaaro xooggan oo iskugu dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed