Kulan Looga Hadlayay Ammanka Beledweyne oo Ka Dhacay Magaladaasi.

Shir looga hadlayay ammaanka magalaada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaladaasi, kaas oo looga hadlay qodobo kale duwan, iyada oo xiisad wili ay ka taagan tahay gobolka.

Shirkaan waxaa guddoomiyay madaxweynka ku xigeenka Hurshabeele Yuusuf Dabageed, waxana goobjoog ka ahay,  guddooniyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufurow, Saraakiisha Ciidamada ATMIS  iyo saraakiisha Ciidamada Booliiska Hirshabeelle.

Waxaana lagu soo hadal qaaday ammaanka gobolka, xasilooni siyaasadeed sidii loo heli lahaa, in Ciidamada ATMIS kuwa Jabuuti iyo kuwa Hirshabeelle sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo qodobo kale.

Kulankaan ayaa imanaya iyada oo Hiiraan ay ka jirto xiisad xooggan oo ka dhalatay, xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali Jeyte, kaas oo qaadacay xilkii laga qaaday.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed