Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo yeeshay kulan xasaasi ah

Gudoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka labadiisa aqal ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo khuseyo dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  Madoobe  oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha golaha aqalka sare Senoter Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa.

Kulanka guddoonka labada aqal ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka dalka, habraaca dib u eegista dastuurka KMG ah ee  dalka iyo arrimaha hortabinta u leh shaqooyinka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Labada aqal ee Baarlamanka ayaa xoojinaya wadashaqaynta ka dhaxaysa si loo dadajiyo sharciyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista Dastuurka, kuwaas oo aan dhammaystirmaynin haddii aysan labada goleba marin ama u baahan inay wadajir fadhi uga yeeshaan.

Muddooyinkii Guddoonka labada golahe ayaa wadday howlo ku saabsan arrimaha wax ka beddealka duastuurka KMG ee Soomaaliya, oo dhawaan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed