Guddoomiyihii Akadeemiyada Cilmiga & Fanka Soomaaliya oo sababsaday in xilka laga qaado kaddib tallaabo uu qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Akadeemiyada Cilmiga & Fanka Soomaaliyeed Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, waxaana uu xilka guddoomiyenimo u magacaabay Ismaaciil Yuusuf Cismaan, kaasoo ah sii haya Akadeemiyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin magacaabista ku simaha guddoomiyaha cusub. Si kastaba ha ahaatee go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii Maaxa uu warqad uu kaga dalbanayo in dastuurka Soomaaliya gabi ahaan laga saaro lahjadda Maay-Maay-ga u diray Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Soomaaliya. Waxa uu ku dooday in lahjadan aysan mideyn shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka guddoomiyihii hore ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhaliyay khilaaf ka dhashay baraha bulshada, iyadoo kumanaan dadweyne ah ay dowladda ka dalbanayeen in xilka laga qaado.

Sida ku cad qodobka shanaad ee dastuurka Soomaaliya, afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Soomaali (Maay iyo Maxaatiri), Carabigana waa luqadda labaad. Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda dadaallo lagu doonayo in dib loogu noqdo dastuurka KMG ah ee hadda jira.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed