Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo gaaray Galmudug iyo u jeedka safarkooda

Wafdi ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Hoggaanka labada gole ee baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ujeedada socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Dhuusamareeb ayaa ah sidii ay ugu biiri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo laba bilood ku dhaw si ku meel gaar ah u joogay magaalada Dhuusamareeb, isagoo kormeeray howlaha ciidamada Galmudug ee la xoojiyay.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa guulo la taaban karo ka gaaray Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab sanadkii hore.

Todobaadkan ayay ciidamada wadajirka ah ka xoreeyeen deegaanada Badaweyne, Camaara, Qodqod, Sardo, Shabeelow, Huldoonyaale, Galhare, Qeycad iyo Xiinlabi ee gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay ku burburiyeen afar gaari oo ay wateen Al-Shabaab, sidoo kale waxaa ay ka furteen hubkii ay wateen, waxaana ay meesha ku dileen in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed