Guddoomiye ku xigeen lagu dilay magaalada Muqdisaho iyo faah faahin laga bixiyay

Guddoomiye ku xigeenkii  maamulka iyo Maaliyada degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelada  Hoose ayaa kooxo hubeysan ku tookteen magaalada muqdisho, gaar degmada Xamar Jajab, ninkaan ayaa lagu magacabi jiray Faqay Cabdulle Mayoow.

Dhaawac soo gaaray dartiis ayuu u geeriyooday kadib markii qeybaha sare ay ka haleeshay rasaastii lagu furay, waxana uu ku dhintay mid kmaid ah Isbitlaada Muqdisho, kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka fakadaya, kuwaas oo sida la sheegay horay u qorsheeyay dilka guddoomiyaha.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya  ayaa tagay goobta lagu tooktay marxumka, ayaa baaritaanno sameeyay balse majirto dad loo soo qabtay, Faqay Cabdulle ayaa kamid ah noqonaya tiro dhowr qof ah oo dilal qorsheynsan loogu geystay Muqdisho, kuwaas ah masuulinyiin iyo shacab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed