Guddoomiyaha Midowga Afrika oo war culus ka soo saaray xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Guddoomiyaha  Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo  Somaliland, kaas oo dunidu u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dhulka  Soomaaliya.

Gudoomiyuhu wuxuu codsaday in la is dejiyo oo la is ixtiraamo si loo qaboojiyo colaada u dhaxaysa dawladda federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu ugu baaqay labada dal in ay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara xiriirka wanaagsan ee labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Wuxuu ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida buuxda ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay muhiim tahay in la raaco mabaadi’da deris-wanaagga si loo horumariyo loona ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ku booriyay labada dal ee walaalaha ah in ay yeeshaan hannaan wada-hadal oo aan dib-u-dhac lahayn si ay khilaafkooda ugu xalliyaan qaab wax dhisid, nabad iyo iskaashi ah, si loo xoojiyo, loona sii qoto dheereeyo. iyo inay sii kordhiyaan iskaashiga nabadda iyo amniga gobolka.

Wuxuu xaqiijiyay in Midowga Afrika uu si adag u garab istaagi doono garab  sidii Afrika xal loogu heli lahaa caqabadan cusub ee ku soo dariyay gobolka.

Soomaaliya ayaa waxaa taageero ka helay dalal badan oo caalamaka ku yaal iyo ururada caalamiga ah, taniyo markiii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen hishiis is af-garad ah oo ku saabsanaa in Adis Ababa ay ka hesho dhul-badeed Bad Cas ee biyaha Soomaaliya, iyaga oo u maray Somaliland oo caalamku u aqoonsan yahay in ay kamid tahay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed