Guddoomiyaha guddiga ansixinta baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu faraha la galay liiskiisa xubnaha baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada baarlamaanka Puntland, Isaaq Axmed Xasan ayaa sharci darro ku tilmaamay liiska baarlamaanka ee lagu dhawaaqay. Isaaq, ayaa Madaxweyne Siciid Deni ku eedeeyay faragelin qaawan, wuxuuna Madaxtooyada ku u jeediyay inay soo bandhigtay Liis badan oo Xildhibaano ah oo uu diiday inay ansixiyaan.

Isaaq ayaa ku nuux-nuux saday in shaqsiyaadka ku jira liiska madaxweynaha aan loo arkin in ay yihiin kuwo u qalma masiirka Puntland, isla markaana uu walaac ka muujiyay sharci ahaanshiyaha xulashadooda. Waxa uu daboolka ka qaaday in 70% magacyada la soo bandhigay aan la garanayn si waafaqsan sharciga , kuwaas oo aan la hayn waraaqo sax ah iyo habraac sax ah. Waxaa uu si cad u sheegay in madaxtooyadu ay qortay liiska soo baxay ee lagu dhawaaqay.

Xildhibaan Isxaaq oo ka jawaabayay arrinta muranka dhalisay ayaa sheegay in xilli habeen ah uu doortay inuu ka baxo xarunta baarlamaanka, kaddib markii ay isku dhaceen guddiga xallinta khilaafaadka. Isagoo muujiyay inuusan ku qanacsanayn tallaabada guddigaasi ay qaadeen, wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Puntland laga badbaadiyo cawaaqibka ka dhalan kara doorashada xildhibaanada sharci darrada ah.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli lagu wado in la dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo ammaanka xarunta golaha shacabka si weyn loo adkeeyay, waxana  ciidamo badan lagu soo daadiyay agagaarka xarunta baarlamaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed