Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Dacwad Lagu Soo Oogay

Somaliland ayaa sheegtay in ay laaleyso xubinimadii uu ku lahaa Baarlamaanka guddoomiyaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq khaliif kadib markii ay lagu eedeyay in uu taageeray go’aanka Garaadada SSC-khaatumo ee Laascaanood kuwaas oo dagaal xooggan kula jira Soomaaliland.

Xeer ilaalinta ayaa ku dhawaaqday in Cabdrisaaq Khaliif oo ka hor yimid jiritaanka Qaranimada Soomaaliland sidaas darteedna uu ku eedeysan yahay arriintaas, waxana loo qabtay muddo toddobo maalin ah in uu kaga soo jawaabo eedeynta loo heysto, majiraan faah faahino dheersaad ah oo intaas ka badan.

Masuulkaan ilaa hadda wax hadal kama bixin eedeynta loo jeediyay marka laga tago mida xeer ilaalinta Soomaaliland.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed