Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo la doortay

Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka Puntland doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaas, kaasoo helay 37 cod, waxana ku dhawaaqay guddoomiyaha KGM ee Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan.

Afar xildhibaan oo kale, ayaa u tartamayay xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, kuwaas oo kala ahay: Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi, oo helay 10 cod, Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed ayaa asna helay 10 cod, laakiinse  seddexdii Xildhibaan oo tartameysay ayaa tanaasulay markii ay u gudbeen wareeggii labaad.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku haray wareeggii kowaad kaasoo helay 8 cod oo kaliya.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax ee maanta la doortay ayaa hoggaamin doona baarlamaanka Puntland 5 sano ee socoto ilaa 2029-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed