Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u duulay dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan dhiggooda dalkaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

Faah faahinno dheeraad ah lagama bixin ujeedka safarkaas, balse Talyaaniga aya kamid ah dalalka ka taageero Soomaaliya dhinacyada ammaanka, dagaalka Al shababa, dhaqaalaha iyo hormarinta.

Safarkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhank  kale madaxweyna Xasan Sheekh uu asna aadday dalka Eratariya maanta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed