Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah la yeeshay Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka.

Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaala iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda u soo gudbisay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed