Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Guddiga Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola, kaas oo looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda.

Sidoo kale waxay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed