Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo fariin u diray shirkadaha korontada kaddib dabkii xalay ka kacay suuqa Xamarweyne

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Shirkadaha Korontada, kadib dab xalay ka kacay Suuqa Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Dabka oo socday saacado badan ayaa ka bilowday Masjidka Marwaz, waxaana markii dambe uu ku fiday qeybo kale oo isugu jira dahabka iyo hilibka. In ka badan boqol dukaan iyo goobo ganacsi ayaa ku gubtay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Bukhaari oo ah mulkiilaha dukaanka Xul Style oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in lacag dhan 50,000 oo dollar uu ku waayay dabkaasi. “Dadka intooda badan waxay yaqaaniin Xul Style, waxaan iibinaa dhammaan noocyada dharka dumarka, ma haysanno hal shay oo dukaanka ah,” ayuu raaciyay.

Maayarka oo ka hadlay suuqaasi ayaa balan qaaday in guddi loo saari doono baarista iyo qiimaynta khasaaraha baaxada leh ee uu dabkaasi geystay.

Wuxuu tacsi u diray goobihii ganacsi ee ku hanti beelay dabkaasi. “Shirkadda Korontada waxaan ka rabnaa inay ka fikirto, wixii hadda ka dambeeya waa lagula xisaabtami doonaa, waa inay qaybtooda ka qaataan khasaaraha ka dhashay dabka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dabka xooggan ee ka kacay suuqa ayaa yimid iyadoo dab kale uu qabsaday dhowr guri oo ku yaalla degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed