Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga oo lagu casuumay in uu yimaado Soomaaliya kaas oo jawaab ka bixiyay

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa dhiggiisa dalka Talyaaniga Lorenzo Fonta ku casuumay booqasho uu ku yimaado Soomaaliya, iyadoo Mr. Lorenzo Fonta uu aqbalay, sida uu maanta ku dhawaaqay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Casuumadan ayaa lagu sameeyay kulan ay labada mas’uul ku yeesheen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya ma shaacin xilliga rasmiga ah ee booqashadan.

Inta uu socday kulankooda ayaa waxa ay uga hadleen sii wadida xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Talyaaniga. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii loo dhisi lahaa guddi saaxiibtinimo oo labada Baarlamaan, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dowladahooda.

Mr. Lorenzo Fonta, Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa bogaadiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada ay dalka uga xoreynayaan   Al-Shabaab.

Taariikh ahaan, Soomaaliya iyo Talyaanigu waxay wadaagaan taariikh gooni ah oo ku dhisan ganacsi iyo saaxiibtinimo xooggan oo soo jireen ah ilaa waagii gumaystaha oo ay Soomaaliya ku hoos jirtay gumaystihii Talyaaniga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed