Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo kasoo horjeestay go’aankii maxkamadda sare ay ku baabi’isay muddo kororsiga ay sameysteen

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka horyimid go’aankii maxkamadda sare ee Puntland ay ku laashay muddo kororsi ay sameeyeen Baarlamaanka isbuucii hore.

Guddoomiye Jibriil ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Dastuuriga ah inay la safatay Xukuumadda Madaxweyne Deni, isagoo ku dooday inaan Baarlamaanka loo ogolaan inay difaacdaan go’aankooda.

Diidmada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa timid kadib markii Baarlamaanka ay ku kala aragti duwanaadeen go’aanka Maxkamadda. Xubnaha qaar ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, iyagoo u ololeynaya in golaha la kala diro. Halka kuwa kalana ay ay doonayaan in ay dhaqalin galiyaan muddo kordhinta 12-ka bilood, isla markaana ay xafiiska sii joogaan.

Khilaafka ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo Golaha Wakiilada ay ka go’an tahay in ay meel mariyaan soo jeedintii Isimmada SSC khaatumo kuwaas oo soo jeediyay aragtida ku aaddan in muddo kordhin loo sameeyo baarlamaanka, isla markaana ay doortaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, kaddibna ay diyaariyaan doorashada dadweynaha ee qofa iyo codka ah.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya iyada oo madaxweyne Deni oo ka laabtay hannaankii doorashada ee uu doonayay, kaasoo ogolaaday in lagu laabto 66 xilldhibaan ee soo jireenka aheyd.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed