Guddomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ku Dhawaaqay Dagaal.

Guddoomiyaha gobolkaa, oo uu dhawaan magacaabay Cali Guudlaawe ayaa ku buuqay in dagaal ka dhan ah Al-shabaab, shir uu ku qabatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ku sheegay in dhawaan Ciimada dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilaabi doonaan howgallo kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gobolka Hiiraan aanan loo ogolaan doonin in Al-shabaab ay dadka ku dhibaateynaa, waxaa uu ugu baaqay Ciimada kala duwan ee gobolka nuuc walbe in ay u diyaar garoobaan dagaalka AS ee deegaannada Maamulkaasi.

Intaas waxaa uu raaciyay in ka maamul ahaan ay garab joogaan ciidanka, oo ay ka taageeri doonaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee looga baahan yahay.

Khudabdiisa waxaa kuu ku soo gabagabeyay in loo midoobo sifeynta Al-shabaab ee gobolka, isla markaana la ilaaliyo nabad galyada gobolka iyo dhammaan shacabaka Hirshabeelle.

Guddoomiye Sufurow ayaa dhawaan loo magacaabay gobolka Hiiraan, balse waxaa diiday in uu xilka wareejiyo Cali Jeyte Cusmaan, kaas oo ku dhawaaqay maamul cusub, waxana Beledweyne ka jirto xiisad siyaasadeed oo culus, wax xal ahna wili lagama gaarin.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Cali Jeyte uu tagay furimaha dagaalka gobolka, asiga Xillibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyo iyo Saraakiil Ciidan.

HBN NEWS DESK.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed