Guddiga xalinta khilaafaadka Puntland oo qaadaya tallaabo culus isla markaana ku dhawaaqaya go’aan la wada sugayo

Iyada oo aanan xal buuxo laga gaarom doorashada maamulka Puntland, ayey ku soo beegantay iyadoo maanta guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta ay soo bandhigi doonaan liiska xubnaha baarlamaanka cusub ee Puntland. Si kastaba ha ahaatee dhawaaqa soo socda ayaa dhaliyay buuq badan oo salka ku haya 17 xildhibaan ka soo jeedo SSC-Khaatumo.

Eedeymo ayaa soo baxay, oo sheegaya in 17-kan xubnood uu si gaar ah u soo xushay Madaxweyne Deni, taasoo soo kordhisay xaalad adag oo markii horeba ahayd mid halis ah. Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa shalay dood kulul yeeshay, waxaana la isku mari waayay in liiska lagu soo daro wakiilada SSC iyo Khaatumo.

Halka qaar ka mid ah xubnaha guddiga ay ku doodeen in xubnaha SSC laga reebo inta go’aan laga gaarayo, madaxweyne Deni ayaa ku adkeysanaya in 66-da xildhibaan ee SSC-Khaatumo ay ku jirto ay muhiim u yihiin hannaanka doorashada Puntland. Wuxuu ku boorinayaa guddiga in ay sii wadaan in xubnaha SSC lagu daro liiska ku dhawaaqista.

Talaabooyin ka dhan ah maamulka SSC-Khaatumo, ayaa warsaxaafadeed ay  soo saareen waxay ku celiyeen go’aankooda ku aadan ka qayb galka doorashada Puntland. Waxa ay carabka ku dhufteen in 17-ka Xildhibaan aysan matalin deegaanada laga soo doortay ee ku howlan howlaha doorashada.

Iyadoo Puntland ay si weyn u sugeyso ku dhawaaqista Barlamankeeda cusub, ayaa mawqifyada iska soo horjeeda ee ka soo baxaya Guddiga xalinta khilaafaadka iyo SSC-Khaatumo waxay hoosta ka xariiqayaan caqabadaha cakiran ee lagu jaangooyo siyaasadda gobolka. Natiijadii maanta ayaa laga yaabaa in ay horudhac u noqoto siyaasadda Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed