Guddiga SSC oo Amar Culus dul-dhigay Ganacsiga iyo Hey’addaha Soomaaliland

Isimmada Deegaanka Laascaannod ayaa joojisay in wax Xiriir ah la yeesho Soomaaliland nuuc kaste oo uu yahay bayaan ay soo sareen maanta, iyaga hoosta ka xariiqay in ay joojiyeen ganacsigii kala dhaxeeyay deegaannada Soomaaliland.

Dhammaan hey’addaha kala duwan ee ka shaqeeyo Soomaaliland ayey ka mamnuuceen in ay yimaadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaannada hoos yimaada, iyaga oo loogu baaqay in aysan wax shaqo ah ka qaban karin, Maamulka SSC ee Khaatumo ayaa ugu baaqay in guud ahaan hey’addaha Soomaaliland ka howlgala in aysan soo galin deegaannada.

Dhanka kale waxay sheegeen wixii ka dambeeyo 15 bishaan April in wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah aysan jiri karin, iyaga ku baaqay in 6 maalin ee ka dhiman 15 bishaan in lakala qaato wixii Cid walbe ka maqan ee ganacsi ama wax kale ah.

Guddiga SSC ee Khaatumo ayaa Amar ku bixiyay in Ganacsig u kala goosha Soomaaliland Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya aysan mari karin deegaannadood taasina ay mamnuuc tahay ilaa amar.

Waxayna sheegeen in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan Ciddii jabiso amarkoodu oo ku aadan in awaamirta ay soo saareen.

Hadalkaan ayaa ku Soo aadaya xilli Wili Magaalada Laascaanood ay isku hor fadhiyaan Ciidanka Soomaaliland iyo SSC kuwaas in ka badan labo bilood halkaasi ku dagaalamaya.

HBN News Desk

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed