Guddiga SSC-khaatumo oo Soo Bandhigay Ciidan Cusub.

Isimmada SSC gobolka Sool  ee magaalada Laascaanood ayaa soo xiray tababarka wajiga 1-aad  Ciidan ka shaqeynaya ammaanka gobolka Sool, kuwaas oo soo dhammeystay tababar u socday muddooyinkii dambe.

Ciidankaan la soo bandhigay ayaa iskugu jiro Booliis iyo Taraafika, waxana looga talagalay in ay ka shaqeyaan nabad-galyo deegaannada gobolka Sool.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii lagu soo bandhigayay Ciidankan, waxana ugu horrey Isimmada dhaqanka SSC-khaatumo, Saraakiil Ciidan oo ah qeyb ka ahaayeen kuwii bixinaayay tababark.

Arrintaan ayaa imaaneyso iyada oo ay wili taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeyso Somaliland iyo Ciidaanka deegaanka Laascaanood kuwaas oo isku haya gacanga ku heynta gobolka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed