Guddiga SSC oo Ka Hadlay Dagaalkii Laascaanood iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaalka Laascaanood ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu adkaa, waxana ka dashay khasaaro xooggan oo iskugu jiro mid maal iyo nafeed.

Dagaalka ayaa ku bilaawday madaafiic lagu garaacay gudaha magaalada, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah, oo labada dhinac dhexmaray, iyada oo guud ahaan deegaanka laga maqlay dhawaaqa rasaasta la isku adeegsaday.

Guddiga SSC ee Khaatumo oo Shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa sheegay in Ciidanka Soomaaliland ay weerar Afarta jiho ah ay soo qaadeen Ciidanka Soomaaliland, kuwaas oo adeegsaday hubka culus sida habka laga rido taangiyada dagaalka.

Guddiga ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta kuwa kalana ku dhaawacmeen, balse tirada rasmiga ah ma aysan shaacim, warar aan helnay ayaa sheegaya in 5 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale waxaa bur-bur xooggan uu soo gaaray  dhimoooyin dhowr ah oo caan ka ah deegaanka waxana kamid ah Shirkadda Isgaarsiinta, Iskuulo, xarumo dan-guud iyo goobo ganacsi.

Guddiga ayaa intaas ku daray in weerarka ay iska caabiyeen oo jab gaarsiiyeen Ciidankii soo weeraray ee Soomaalilnad, gacantana ay ku hayaan magalaada.

Guddiga SSC-khaatumo ayaa ka dhawaajiyay in taliyaha Ciidanka Soomaaliland General Nuux Ismaaciil  Taani uu xalay yimid Magaalada Oog, saakana uu hoggaaminaayy wareerarkii lagu soo qaaday Laascaanood.

Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaaliland ee ku aadan dagaalkii Maanta ee kulalaa ee maanta dhexmaray iyaga iyo Ciidaanka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed