Guddiga SSC Khaatumo oo Dhaarinayo Xubnaha Hoggaanka SSC.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah hoggaamiyaasha Isimmada SSC-Khaatumo ayaa sheegay in golaha sare ee Dhaqanka SSC ay asteeyeen  xilliga la dhaari doono xubnaha hoggaanka Khaatume, kuna wargaliyeen xubnaha la dhaarinayo.

Qoraal uu ku daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu yiri:

Maanta waxay golaha sare ee dhaqanka SSC asteeyeen goorta iyo goobta lagu dhaarin doono xubnaha hogaanka SSC Khaatumo, kuna wargasheen xubnahaas, taas oo ka mid aheyd bayaankii kasoo baxay golaha 06/02/2023.

Isimmada SSC-Khaatumo ayaa diidan in maamul ahaan ay hoos tagaan Soomaaliland, iyaga oo doonaya in ay ka madax bannaanaadaan, taasina waxa ay dhalisay dagaalka culus oo muddo Seddx bila ah ka Soconaya gobolka Sool, waxana ka dhashay dhimasho dhaawac barakac iyo burbur.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed