Guddiga lagu muransan yahay ee uu magacaabay Madaxweyne Deni oo qaaday tallaabo horay looga digay

Guddiga lagu muransan yahay ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiiladda Puntland oo dhawaan uu magacaaba madaxweyne Deni, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay qabashada waraaqadaha araajida xubnaha wakiilada doonaya in la soo doorto  doorashada maamulkaas ee 2024.

Guddiga ayaa soo saaray sharuudaha xildhibaannada  doonaya in ay u tartamaa doorashada soo socoto isla markaana maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garowe, iyaga oo ka dhawaajiyay in ay toos u guda galeen shaqooyinkii loo magacaabay.

Guddigaan ayaa horay ula kulmay diidmo adag oo kaga timid dhinacyada mucaraadka, guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, kuwaas oo dhammaantood sheegay in aanan laga talagelin xubnahaan, iyaga oo ku eedeeyay guddigaan in madasxweyne Deni uu ka soo xulay xisbigiisa KAAH iyo qarabaadiisa sida ay hadalka u dhigeen, balse eedaas wili Saciid Deni wax jawaab ah kama bixin.

Si kastaba, tallaabadaan ayaa ku soo aadday iyada oo saakay xarunta baarlamaanka lagu arko ciidamo hubeysan oo la wareegay, kuwaas oo la sheegay in ay ka amar qaataan madaxweyne Deni.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed