Guddiga Doorashooyinka Puntland oo bayaan adag ka soo saaray arrinta doorashada iyo xaaladda oo cakiran

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta magaalada Garowe waxay  kulan ballaaran kula yeesheen qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda Puntland. Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Fu’aad Adeer oo ay wehliyaan xubnaha sare ee Guddiga isla markaana waxay si wadajir ah u shaaciyeen waqtiga ayaa bilaamanayso  doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka Puntland.

Guddiga ayaa ka dhawaajiyay in  ay isla qaateen qabashada  doorasho qof iyo cod ah, oo ka dhacda maamulka Puntland, taas oo si weyn ay kaga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaraadka, kuwaas oo horay u soo saaray jadwal kale.

Guddiga ayaa sheegay  in diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ay bilaabayaan 16-ka December ee soo aaddan sida ay shaaciyeen, sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in ay sameyn doonaan  barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.

Gabagabadii waxaa ay  farriin u direen xisbiyaddii ka maqnaay kulankii maanta , iyaga  oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya.

Xaaladda doorasharada maamulka Puntland ayaa ka sii dareysa, iyada oo aanan wac hishiis ah laga gaarin khilaafka taagan, haddana dhinacyada ayaa soo bandhigaya jadwalo is is diidan oo is barbar socda, oo ay ku kala sheeganayaan in ay qaban doonaan doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed