Guddiga doorashooyinka Puntland iyo xisbiyada siyaasadda oo yeeshay kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa kulan la yeeshey xisbiyada siyaasadda, shirka ayaa ku saabsanaa isxogwareysi, latashi iyo falanqaynta shaqooyinka hortabinta leh oo ay kamid tahay shuruucda Doorashooyinka iyo guud ahaan xoojinta wadashaqaynta Guddiga iyo Xisbiyada ka qeyb galaya dooraashooyinka lagu muran san yahay.

Mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadda ee shirka kasoo qaybgalay ayaa dhinacooda soo dhoweeyey qabsoomidda shirkaan, iyagoo ku bogaadiyey Guddigu sida uu shaqada u wado iyo wadatashiga uu xisbiyada la samaynayo.

Waxa ay sidoo kale xubnaha PEC u caddeeyeen ka go’naanshahooda iyo inay diyaar u yihiin la shaqaynta guddiga. Kulankaan ku soo beegmaya iyada oo dhawaan Dallada Muacaradka Puntland ay sheegeen in aysan aqoonsaneen guddigaan oo ay ku eedeyeen in dhisamahooda aanan loo marin habraac sharci ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed