Guddiga doorashada Somaliland oo dhawaan dhawaaqaya waqtiga doorashada soona dhaweeyay jawabtii Maxkamadda Sare

Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhaawaqay in ay ku dhawaaqi doonaan jawalka doorashooda Somaliland, taas oo in muddo ah dib u dhacday, guddiga ayaa sheegay in ay socoto wadatashiyada iyo muddeynta doorashooyinka.

Guddiga ayaa manta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Golaha Wakiilada Somaliland, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay dhawaan shaaci doonaan xilliga kama dambeysta ah ee ay bilaabaneyso doorashada, iyaga oo dhanka kale soo dhaweeyay jawaabtoii shalay ka soo baxday Maxkamadda Sare ee ku saabsaneyd in iyaga ay shaqadooda tahay meel marinta xilliga doorashada.

“Guddida doorashadu iyada ayaa leh go’aanka aanu kusoo saarayno jadwalka doorashada, waananu soo saarayna, warqada maxkamadan waanu so dhawaynaynaa, shaqo naga dhaxaysay maxkamada oo caadi ah ayay ahayd, jadwalka waanu soo saarayna” sidaas waxaa yiri guddoomiya guddiga, kaas Warfidiyeennada kula hadlay Caasimada Somaliland.

Guddiga ayaa ku dooday in ay kahor inta aysan shaacin jadwalka doorashada in ay yeelan doonaan wadatashi ku aadan hannaanka doorashada iyo jadwelkeeda.

In muddo ah waxaa khilaaf xooggan uu ka taagnaa dib u dhaca doorashada Somaliland oo muddo ka badamn 9 bilood dib kaga dhacday waqtigeedii.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed