Guddi Xildhibaanno ah oo loo magacaabay is-waafajinta xeerarka doorashooyinka Somaliland iyo soo jeedintii odayaashii dhaqanka

Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa guddi u saaray in ay is waafajiyaan kana soo tala bixiyaan xeerarka arrimaha doorashooyinka maamulkaas oo dhawaan odayaashii dhexdhexaadinta ay wax ka beddeleen kii hore, kadib markii ay xaliyeen soona jeediyeen khilaafkii hareeyay doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada arkood ayaa sheegay in ay la hadleen Guddoomiye ayaa magaacabay guddi ka kooban 11 xildhibaan oo ka shaqeeynaya in ay is waafajiyaan hadalkii ka soo baxay guddigii dhexdhexaadinta  khilaafaadkii Somaliland ee salka ku hayay doorashada is diidan ee dhalisay kacdoon Jabhadeed, dagaallo, iyo mucaaradad xooggan.

Guddiga Xildhibaanada ayaa ka shaqeynaya doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada siyaasada xeerarkii lagu hagi lahaa, taas oo loo asteeyay in la qabto November sannadka 2024.

Qaar kamid ah xildhibaannada Somaliland ayaa diidan hannaanka wax lagu wado, iyaga oo u jeediyay guddoomiye Faratoon in dib u sixid lagu sameeyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed