Guddi Baarlamaan oo Loo Saaray Dagaalkii Magalaada Baraawe iyo Dood Ka Dhalatay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga doodday dagaalkii magaalada Baraawe ku dhexmaray Ciidan kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxana ka dashay khasaaro xoggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxana loo saaray guddi dhacdadaasi baaritaan ku sameeyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta shir Guddoomiyaya Kulanka Golahaas ayaa sheegay in Guddi loo magacaabayo dagaalka Baraawe ka dhacay ee dhexmaray Ciidamada Militariga dowladda  Kuwa Daraawiishta  Koofur Galbeed.

Aadan Madoobe waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu wakil ka yahay Shacabka sidaas awgeed dhibaatada gaarto loo baahan yahay si sharci ah loo xaliyo loogana daba-tago, wixii hadda ka dambeeyana dagaalkaas loo xilsaarayo Guddi baaris ku sameeya.

Marka lasoo gudbiyo xaqiiqada iyo cidda leh mas’uuliyadda dagaalka Baraawe ayuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Madoobe in lala xisaabtami balse inta ka horreysa laga warsugo.

Guddigaan aya lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyaan shaqaaqadii ka dhacday Baraawe kuwaas oo lagu wado maalmaha soo aadan in ka warbixiyaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed