Golaha Xuquuqda Aadanaha QM oo ka shiraya xadgudubyada ka dhanka ah Kitaabka Quraanka

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah yeelanaya dabayaaqada todobaadkan, kaasoo ay kaga hadlayaan gubistii Kitaabka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden, sidaasi waxaa sheegay afhayeen u hadlay golaha.

Arbacadii lasoo dhaafay, nin magaciisa lagu sheegay Salwaan Momika – ayaa kitaabka Quraanka Kariimka ah isagoo ay booliska ilaalinaya ku gubay afaafka hore ee Masjidka Stockholm, taasoo keentay caro oo ka soo yeertay dunida Muslimka.

“Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu qaban doonaa kulan degdeg ah si ay uga doodaan kororka ficiladan fooshan xun ee la qorsheeyay iyo kuwa saleysan nacaybka diineed, iyadoo dalal Yurub ka tirsan iyo meelo kale xadgudub loogu gaystay Kitaaba Quraanka Kariimka” ayuu yiri Pascal Sim oo ah afhayeenka golaha oo dadka wararka fidiya la hadlayay.

“Fadhigan deg-degga ah ayaa la isugu imaanaya waxaana codsaday dalka Pakistan oo matalayay dalal dhawr ah oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka, oo ay ku jiraan kuwa xubnaha ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha.”
Axadii, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo OIC wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah si looga hortago in dhacdooyinkan oo kale ay soo noqdaan.

WARQABADKA HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed