Golaha Wasiirrada Soomaaliya howlgalka Wajiga 2-aad ee dagaalka Al-shabaab iyo qodobo kale

Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Dega ah.

Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Libaaxa Madow, warbixin la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxda Al-shabaab, kuwaas tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul WasaarE  Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay ciribtirka Al-shabaab, waxaa uu intaasi raaciyay  awooddoodii ciidan iyo dhaqaale horey loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed