Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan xasaasi ah oo lagu soo hadal qaaday dagaalka wajiga labaad

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.
Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxda Al shabaab lagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Soomaaliya.
Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xorreeyo goobaha ay kaga sugan yihiin deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.
Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka iyo  Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kawadaan dalka, kuwaas lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed