Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan muhiim ah kaas warbixinno looga dhageystay wasaaradaha amniga ee Soomaaliya

Golaha Wasiiradda Xukuumadda  Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisaho, kuwaas oo ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Xubnahaan maanta la ansixiyey ayaa kala  ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim, Faysal Cabdulaahi Warsame, iyo Maxamed Xasan Cumar, dhammaan  waxay ka mid noqdeen Guddiga sare ee Bangiga Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyada oo la ayiday in guddi hawleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga miro dhaliyo hiigsiga 20260, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxda Al shabaab ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Waxana la bogaadiyay howlgallada ay wadaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee kooxda Al shabaab dalka looga xorreynayo in la soo kordhiyo, sidoo kale waxaa la soo jeediyay in la taageero dagaalka loona midoobo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed