Golaha Wasiirrada oo warbixinno xasaasi ah ka dhageystay hey’adaha amniga iyo kuwa kale

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda   Soomaaliya  ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho, waxana looga doodday arrimo kale duwan oo muhiim ah, kuwaas la xiriiro shaqada xukuumadda, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo kuwa kale.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirkaan, kaas oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.

Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.

Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.

Kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyay warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed