Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo yeeshay kulan xasaasi ah iyo qodobo laga soo saaray

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo kala duwan oo khuseyo xaaladda dalka, iyada ooo la soo hadal qaaday dagaalada dowladdu ay kula jirto Al shabaab.

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka Al shabaab kaas oo looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay si shacabka ay uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan howlgallada ka soconaya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ugu baaqay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dagaaladda dalka ka soconaya, oo ay muujiyaan doorkooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed