Golaha Wasiiradda oo soo saaray amar culus oo ka dhan ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya iyo arrimo kale

Iyadoo laga jawaabayo burburka baahsan ee ka dhashay roobabka El Nino iyo fatahaadaha, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir deg deg ah kulan maanta ka dhaacya magaalada muqdisho, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu amray inay gurmad deg deg ah la soo gaarto dadka dhibaateysan, iyadoo la sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto deegaannada ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadda.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta waxay ku ansixiyeen Hindise sharciyeedka amniga internetka iyo xeer hoosaadka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka. Hindise-sharciyeedkan oo ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo hannaanka amniga internetka ee qaranka.

Golaha ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan culayska ay leedahay xaaladda ka dhalatay roobabka El Niño ka dhashay iyo daadad ku dhuftay gobollo badan. Tallaabooyin degdeg ah ayaa la dejiyay si loo dardargeliyo dadaallada wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, iyadoo la hubinayo in gargaarka waqtiga ku habboon uu gaaro kuwa la tacaalaya dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha.

Intii uu socday kalfadhiga waxaa looga hadlay warbixino la xiriira amniga guud ee dalka, Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa soo bandhigay xog ku saabsan howlgallada ka dhanka ah kooxda ee Al-Shabaab. Waxaa xusid mudan, in ciidamadu ay si firfircoon ugu hawlan yihiin samata-bixinta dadka ay saameeyeen daadadka musiibada ah, taasoo muujinaysa hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo caqabadaha dabiiciga ah iyo kuwa amniga ee qaranka horyaalla, ayaa lagu yiri nuqul kamid ah hadalkooda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed